Home
Aboutus
   
    News In English||Home|

 

 

 

Iska Key Illow!.

(Sheeko Jaceyl)

Qeybtii 5-aad


………Inta aan warqadii soo qabtay, ayaan sariirteeda dul tagay, waan furay si aan u aqriyo, waxaana ay u qorneyd sidan:-

Ku: Xamza

Qaaligeygii Xamzow

Waxaan hawada u dhaxeysa guriga heybadlaha ah ee aad ku nooshahay iyo kan aan aniga cidlada ku dareemayo kuu soo marinayaa salaan aan qof bani aadam ah u diro tan ugu qiimaha badan, salaan aan rumeysanahay in ay furo u noqon doonto farxad ay hesho nolosheyda, salaan xambaarsan wanaag idilkiisa, salaan kaaga timid qalbi aan Habeen qura ku fekerin in uu adiga ku xumeeyo, salaan kaaga socota qalbi Jecel mar ay ahaatab in maalin un uu nolosha kugu helo, salaan aan ku rajo weynahay in mugdiga iyo cidlada nolsheyda daashaday ay iftiin iyo wehel ugu bedeli doonto iyo salaan aan is lee yahay waxay isku soo dhoweyn doontaa qalbiyadeena.

Salaan kadib, Qaaligeygii Xamzow, farxad iyo nolol macaan baan kuu rajeeyay, waxaan u maleynayaa inay la yaab kugu noqon doonto Hani oo warqad iyo erayo ceynkan oo kale ah kuu soo qortay, laakiin taas waqti ha isaga lumiin, ileen wax walba waa la fishaa.

Qaaligeygii Xamzow, ka bilow hana qaadkeygii, ilaa maantadan, waxaan dareemayay in nolosheyda ay wax ka dhiman yihiin, inaan wehel u baahnahay, waxaan dareemayay qof kaliya oo qalbigeyga ku weyn, qof kaliya oo aan siiyo qadarinta ugu badan ee aan bixiyo, qof kaliya oo aan markaan arko ka cabsado, indhahana aan u dhameyn Karin, qof kaliya oo dhagaheyga ay jecel yihiin ayna ku raaxeestaan in magaciisa ay maqlaan, qof kaliya oo aan dareemay inuu yahay kay nolosheyda u baahan tahay, qof kaliya oo aan is lee yahay waan kan ku kaafin kara, qofkaasna waa adiga.

Qaaligeygii Xamzow, waxaad tahay farxadii nolosheyda, dawadii nafteyda, maqalkii dhagaheyga iyo aragii indhaheyga, waxaan adkeysataba qalbigeyga ugu dambeyn waxa uu igu yiri (orad dhaqaaq), oo raadi faraxadaada, sidaas ayaan u go'aansaday inaan warqaddan kuu soo diro, Xamza, waan ku jeclahay macaane, waxaana rabaa inaad guushii nolsheyda ii iftiimeyso, oo aad qalbigaaga ii furto, si aan u dhex dego, macaanaheygiiyow, waxaan kaa sugayaa jawaab, aan ku farxo, waan ku kalsoonahay inaad ii dhego nuglaan doonto"..Jaw macaane


FG: Ogow inay nolosheyda kugu xiran tahay, ifka nolosha waa adi

Ka: Qalbi kuu ooma

Hani Xasan


Markii aan aqristay erayadii ku qoranaa warqadda, ayaan jiifkii kasoo fariisty, aniga oo neef tuuraya. Waxa ay runtii noqotay arrin aan la yaabo mar, marna arrin aan ku qoslo, waa tan koowaad'e waxaan la yaabay sida gabadha ay aftahn u tahay iyo erayad macaan oo ay warqadda kusoo qortay, saas bayba qalbiyada u dilaacin kartaaa ismaba lahayn, tan labaadna, waxaan ku qoslay, qofkii kibarki baas qabtay ee markaan arkaba wejiga dhinac dhinac u wareejin jirtay, oo maanta leh ba "adaan ku jeclahay".

In cabbaar ah baan fekaray, waxyaabo badan baan is weydiiyay, runtii arrin fajaciso ah bay igu noqatay, waxaa igu adkaatay xal u helida waxa aan ka yeeli lahaa gabadha, dhinacyo badan ayaan wax ka fiiriyay, gabadha mar adeerkey baa dhalay, mar waanu isla shaqeynaa, hadana waa gabar kibir badan, anigana dabci ahaan dadka ceynkaa ah kama aan heli, adiga waxba yaan hadal kugu daalin'e fakir iyo wada tashi aniga iyo nafteeda na dhexmaray kadib, ayaa go'aan ku gaaray inaan bal jawaab u diro, waxaan is iri bal markaad is aragtaaan afka kaga sheeg, hadana way ila xumaatay, si kastaba waxay ila noqotay inaan anna waraaq ahaan ugu jawaabo, markaas baan inta banaanka u baxay dukaan ii dhowaa baqshad iyo warqad kasoo qabsaday, kadibna waxaan u holladay inaan bal jawaabtii qoro, waxaana u qoray sida
 

 

Xafiiska Wararka Mareeg ee Moqdisho  Somalia :news@mareeg.com      LondonUKOffice:Tell00447737886245

 

Wixii su'aal ah nagala soo xiriir info@mareeg.com  or News@mareeg.com©2201-2008Mareeg ®All rights reserved.