Home
Aboutus
   
    News In English||Home|

 

 

 

Iska Key Illow!.

(Sheeko Jaceyl)

Qeybtii 9-aad
………Waxaan hadana ku iri "Nolsha dhibka badan waxay ii bilaaban doontaa marka aad adiga i deyriso, ee i gacan qabo, markaas ayaan labadeenaba farxad deris la noqon karnaa'e", intaa kadib ayaa ayada oo hoos madaxa u raaricineysa, misna xishood uu ka muuqdo ay igu tiri " waa yahay waxba kama qabo, hadday noloshaada aniga igu xiran tahay, diyaar ayaan kuu ahay, waadna i heleysaa", intaa hadii ay afka kasii qaadeysay, ayaan ku booday oo labad dhaban ka dhunkaday, "waad mahad san tahay" ayaana ku iri, iyana "adaa mudan" ayay iigu war celisay.

Aniga farxadii ayaa iga badatay, waxaana garan waayay meel aan is geeyo, guushii nolosheyda, ayaa halkaasi ka bilaabatay. Habeenkaasi waxa uu ahaa kii iigu farxadda badnaa 24-ka sano ee aa waqtigaasi dunida saarnaa, anoo aad ugu mahad celinaya misna ka ballan qaadaya inaan faraxad ku nooleysiiyo inta aan awoodo, ayaan kasoo tagay, waxaana wixii marekaa ka dambeeyay aan lasoo dhigtay ballan toddobaadkii laba goor ah.

Waxaa halkaasi igaga bilowday nolol cusub. Habeenkaasi aniga oo faraxsan ayaan gurigeyga isaga soo laabtay. Gurigeena oo dhan waa laga dareemay farxadeeda iyo in wax cusub ay igu soo kordheen. Aabahay oo ahaa nin kaftan badan ayaa igu yiri " Haye, kaabe, caawa aad baad u faraxsan tahay, ma gabadhii aan sodoga u noqon lahaa, ayaad soo heshay", intaan qosol yar dhakac ka siiyay ayaan ku iri "hadaan soo helo qofka ugu horeeya ee la barayo waa adiga". Intaa hadii ay sheeko inoo mareyso, ayaan ka tagay oo aan iska seexday.

Subaxii xigay Jimce ayay ahayd oo shaqo ma aan lahayn'e, waxaan ka toosay tobanka subaxnimo iyo daqiiqado, markaas ayaan banaanka guriga darjiin ku yaala iska fariistay. Cabbaar hadaan fadhiyay, ayaa waxaa ii timi Deeqa, oo ahayd gabadha ka yar Hani, inta ay dhinac isaga key sikisay ayay salka dhigatay, markaasay war igaga bilowda "Hambalyo", "oo maxaad iguga hambalyeyneysaa" baan ku iri, inta ay qososhay, ayay hadana i tiri "Xamzow, adan waxaan kugu nacay is dabaaliska aan meel jirin".

Runtii hadaladeeda ayaan ku weeraray, iyo waxa ay hambalyadan baas ula jeedo, markaasaan aniga oo waxooga is xanaajinaya ku iri " Deeqa, adiga kaftanka inta iga dhaaftid, waxba ma ogi'e ee wax ii sheeg, hadii kale iska key daa". Intaa kadib ayay warka ay qar qarsaneysay daaha ka rogtay, ayada oo i dhaheysa, "Aabe iyo Hani xalay way sheekeysteen guurkana waa ay isla meel dhigeeen". Xaqiiqdiii erayadaas aad ayaan uga naxay, durbana waan dareemay in guurka uu yahay mid ani iyo Hani un loola jeedo, balse maan dareensiin Deeqa, waxaana ku iri anoo warka nuxurkiisa ka raaidnaya "Haye maxay is yiraahdeen?".markaa kadib ayay Deeqa Sheeko ii bilowday, ayada oo oraneysa "xalay, markii aan cashada cunnay kadib ayaa aabe u yeeray Hani, waxa uuna ku dhahay (gabadheydiiyee sida aad la socoto, waad weynaatay'e, waxaana rabaa inaan arko caruurtii ugu horeysay oo aan awoowe u noqdo ee maad guursatid), iyana waxa ay ugu jawaabtay (aabe weli ma aanan helin nin i qanciya), aabe ayaa markaasi ku yiri (oo ka waran hadaan aniga wiil kuu dooqo), iyana waxay dhahday (wiil aan garanayo oo cidda ama qaraabada ah haduu yahay waan aqbalaaa), aabe ayaa markaas hadana hadalka qaatay oo yiri (wiilasha cidda yaaba ka jooga kuli dibedda ayay ku wada maqan yihiin'e, waxaaba ka jooga Xamza oo markuu waxbarashadiisa dlka ingiriiska kusoo dhameestay iska soo laabtay, kadibna Hani ayaa lasoo booday (Aabe Xamza wiil ka wanaagsan maad ii dooqi lahayd), markaas ayaa aabe qosol la dhacay oo uu yiri (waa arin wanaagsan Xamza waa wiil fiican, oo aan noloshaada ku aamini karo. anaana arrinkaas kala hadlayay Xaaji Maxamed, marka aan kasoo laabtay safarka aan ugu socdaalayo dalka Talyaaniga), marka kaabe arrinkaas ayaan kuugu hambalyeynayaa".

Anigii carro ayaa jirkeyga oo dhan saaqday meel aan joogana waan garan waayay, waxaana is weydiiyay waxa ay Hani ula jeedo cayaartan cusub oo ay ila bilowday, Deeqa ayaan inta ku dhahay "waad mahad san tahay" iska diray, kadibna aniga ayaa feker iskula laabtay, si aan arrinkan aan uga hortago, waayo, waxaan ogaa, in aabahay uusan marnaba sheekadaasi ku gacan seeri doonin, waxaan qalbiga iska iri "Hani gool wanaagsan ayay kaa dhalisay, laakiin waa inaad iska bar bareysaa, oo dabadeedna goolka guusha aad ka dhalisaa', hadii aan cabaar fikirayay, ayaa waxaa xal iila muuqday in inta uu aabaheyd maqan yahay, aan soo de dejiyo arrinka Istar, waayo waxaan ogaaa in dalka Talyaaniga uu muddo ku maqnaaan doono, sidaasi ayaana go'aan ku gaaray, hadana waxaan is iri "gabdha way indha la' dahay armuu aabe kaaga gar helaaa", markaas ayaa waxaa ii soo baxday in marka hore aan u hollado inaan indhaha u fiiqo Istar. aniga oo arrinkaas ka shidaal qadanaya, ayaan si deg deg ah aniga oo qorshaha uusan igu jirin waxaan ugu dhaqaaqay guriga Istar, si aan usoo weydiiyo halka laga helo dhaqtarkii ay hadda ka hor ii sheegtay iyo xilliyada uu yimaado dalka Somalia, markii aan u tagay oo aan arrinka u bandhigay way ku faraxday runtii, waxaana ka dareemay inay u sawiran tay in caafimaadka indhaheeda uu soo dhow yahay, waxa ay ii sheegtay in dhaqtarka uu yimaado bisha December ee sanad kasta, uuna fariisto xarun caafimaad oo ku taala, agagaarka Dal Jirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho, markii aan intaas kasoo ogaaday ayaan kasoo tagay.

Si kastaba waqtiga ayaa ahaa mid cariiri igu ah, markaasi waxay ahayd bisha november 1-deeda, December, waxaa naga xigay bil, waqtiga uu Hani aabaheed soo laabanayayna waxa ay ahayd bisha February, waan fekeray, waxaana ii soo baxday qorshe cusub oo aan is lahaa aabe waad kaga bad baadi kartaaa, kaasi oo ahaaa............ lasoco qeybta tobanaad berri insha allaah.

 

Xafiiska Wararka Mareeg ee Moqdisho  Somalia :news@mareeg.com      LondonUKOffice:Tell00447737886245

 

Wixii su'aal ah nagala soo xiriir info@mareeg.com  or News@mareeg.com©2201-2008Mareeg ®All rights reserved.