|
Iska Key Illow!
(Sheeko Jaceyl)
…………in
cabbaar ah hadii aan dhacadiid uu jiifay, oo aan hurdo ku sari waayay,
ayaan mar qura soo hinqaday oo aan soo fariistay, aniga oo inta labada
gacmooQeybtii 1-aad
d kor u taagay, tobanka faroodna is dhaafiyay oranaya
"aaa..aaa", kadibna qoorta jucsanaya. Waxaa I haya caajis
baas oo aan garaneyn halka uu igaga yimid, waxaanse u qaatay in
dhafarkii habeenkaas aan ka qaaday cayaar ka mid ahayd horyaalka England
oo aan daawaday, ay hurdo la'aanta iyo caajiskaba iigu wacneyd.
Goor sheegtada ayaan eegay mise..waaba 3:15 daqiiqo. "waqtigu
socod gaabanaaa" baan inta anoo ciishoonaya iri dib sariirtii
isugu tuuray. Intaa kadib waxaa ii xigay cod I dhahaya "Xamza…ka
kac Maama, saaka hordada waad ku daahdayee", markaas baa anoo
sacabka isaga celinaya falaaraha arooryaad, soo kacay mise waa Hooyadey
Maryan.
Hooyo baa igu tiri "beri waxaa baxaya Asad ee aroor hore iga kici
soomaadan I oran
hooyo..oradhee kac", "waayahay Maama" baan inta iri haf
kasoo dhahay sariirtii, hadaan saacadda eegay waaba 6:15 daqiiqo, 15
daqiiqo unbaaba ka hartay xiligii 6:30 oo an ku balan sanaa inaan Asad
u raaco garoonka diyaaradaha caalimiga ah ee Muqdisho, oo uu
maalinkaasi ka dhoofayay.
Aniga oo aad u deg degaya baan gaarigeygii Mercedes-ka ahaa dalaq kusoo
dhahay, oo aan guriga kasoo baxay, waxaana aniga oo Xawaare ku socda
isku soo dhigay wadada dheer ee Wadnaha, kadibna dhinac bidix ula
leexday Isgoyska Howl Wadaag, waxaan fooda sii saaray dhinac Sayidka,
dabadeedna midig isula dhigay wada Maka Al-Muakarama, aniga oo kusii
wajahan xaafadda Taree Biyaano oo Asad uu ku noolaa.
Markii aan la leexday jid cadaha laga galo xaafadii baa mar qure
indhaheyuga qabteen qof wadada bartankeeda taagan, mise waaba gabar,
waxa ay ahayd qof aan dareemayo inay duruuf daashatay, balse qurux
dabiici ah ilaaah ku maneestay, hadii ay hesho qof dayac tir ku
sameeya, micnaha (dhaqaaleeya), waxa ay lahayd midab biyaha dahabka
sidooda ah, joog bay lahayd, jirkeedu dhexda buu u yaraa dhinacyada
kore iyo hoosena u yara weynaa si qiyaasan, waxaan ka samri waayay
bushimo aad u qurxoon oo aan dareemay….waxaa aad cajiib u ahaa
indhaheeda buur buuran iyo suniyaasheeda bil dhalatay oo kale u
qurnaaa…
Markii aan in cabaar ah saa u daawanayay baan bilaabay inaan hoonka ku
yeeriyo, mise maba dhaqaaqdo, hadana dhowr mar yeeray "ha sheegin
nuuxsi ma laha'..markaas baan inta gaarigii ka degay qeylo dhegaha kaga
shubay, anoo ornayaa… "adiga ma wadada baad iibsatay maxaad la
dhex taagan tahay", jawaab baan filayee aamusnaan bay iigu
kaalmeysay…mar labaad baan qeyliyay, anoo wejiga gacanta faraheeda uga
riixaya, misna dhahaya.. 'oo maxaad noo quursaneysaaa…maad nala
hadashid oo wadad ka leexatid"..balse jawaabteii aan ka helay
waxay noqotay ilmo indhaheeda mar qura kasoo dareeray..naxdin anigii….
qeybta labaad
Qeybtii
3
Qeybtii
4-aad
Qeybtii
5-aad
Qeybtii 6-aad
Qeybtii
7-aad
Qeybtii 8-aad
Qeybtii 9-aad
Qeybtii
10-aad
Qeybtii-11aad
Qeybtii-12aad
Qeybtii-13aad
Qeybtii-14aad
Qeybtii-15aad
Qeybaha-16-18
Qeybtii 19-aad.
Qeybtii 20-aad.
Ogeysii: waa Tixane ilaa 20 qeyb ah |